U bood dhigaalka

Soomaaliland oo Maanta Shaacisay Kiisas La Xiriira Coronavirus

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa maanta oo ah Khamiis 28-05-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1083 qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 32 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 5 halka 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux oo 84 jir ahaa u geeriyooday caabuqan.

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 28 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 18 ruux.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 257 kiis.

No photo description available.

Goobjoog News