U bood dhigaalka

Soomaaliland oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa maanta oo Talaado ah 09-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 17 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 7 bukaan,  halka 24-kii saac ee la soo dhaafay shaqsi rag haa oo da’diisa lagu sheegay 104 jir uu xanuunka u geeriyooday.

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 80 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 26 ruux.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 466 kiis.

No photo description available.

Goobjoog News