U bood dhigaalka

Soomaaliland Oo War Cusub Ka Soo Saartay COVID-19

Sheeko:Dalka

Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi ayaa waxaa ay war hor leh ka soo saareen  Caabuqa COVID-19, iyadoo amarro la dul dhigay dadka dibada ka imaanayo.

War qaraal ah oo guddiga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo rakaabka ka imaanayo wadamada dhaca qaaradda Yurub iyo woqooyiga  America aysan imaan karin deegaannada Somaliland, maadaama xanuunka Corona uu si aad ah u saameeyey.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus  ayaa lagu xusay amarro la dul dhigay diyaaradaha ka imanayo waddamadaasi kuwaas oo soo gaarayo garoonka diyaarada ee Cigaal ee magaalada Hargeysa in aysan rakaab ka soo qaadi Karin Yurub iyo America.

Hadalka maanta ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa uu imaanaya iyadoo dalka gudihiisa maalmahaan laga dareemay cabsi ku aadan xanuunka Coronavirus,iyadoo kiisas laga diiwaan geliyey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ka dib markii xanuunka lagu arkay dad ka yimid waddamada caalamka.

Goobjoog News