U bood dhigaalka

Soomaaliland oo Xaqiijisay Kiisas Cusub oo COVID-19 Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa xaqiijisay in kiisas cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaannadooda halka sidoo kale ay korortay tirade dadka u geeriyoonaya xanuunkaan.

Agaasimaha wasaaraddaasi Dr Maxamed Xergeeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 11 qof ooh or leh laga helay safmarka COVID-19 waxa uuna intaas ku daray in hal qof oo ka mid ah uu xanuunka u geeriyooday.

Tirada guud ee haatan laga xaqiijiyay deegaannada Soomaaliland ee Coronavirus ayaa ah 34 kiis halka 4 qof ay xanuunka u geeriyoodeen waxaana sida ay wasaaradda caafimaadka xaqiijisay cudurka ka bogsaday 3 qof.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa cudurkaan uu ku dhacay 928 halka ay u geeriyoodeen 44 qof,  sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka.

Goobjoog News