U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Itoobiya oo Laga Ciiday, Carabta iyo Dunida kale waa Goorma?

Sheeko:Dalka

Soomaaliya iyo Mauritania ayaa ah labada dal ee carabta ah ee maanta ciiday halka Itoobiya ay ku jirto dalalka Muslimka ah ee fara ku tiriska ah ee ciiday.

Waxaa la sheegay inay jiraan  dalal kale oo Afrikaan ah ay maanta ciid u tahay sida  dalalka Mali, Niger iyo  Ivory Coast.

Waxaa xusid mudan in  Mauritania iyo Itoobiya ay go’aanka hal jeer sheegeen halka Soomaaliya ay kala hadashay wasaaraddaeeda awqaafta iyo diinta. Muqdisho waxaa ay markii hore umadda u sheegtay in axadda tahay ciidul fidri laakin waxaa ay ka laabatay saacado kadib, maamulka Jubbaland iyo kooxda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay in ay maanta ciid tahay dowladda ka hor.

Dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, baxreyn iyo Kuwait dhammaan waxaa ay sheegeen in axaddu tahay ciid.

Sidoo kale, Suuriya, Ciraaq, Urdun, Lubnaan, Falastiin, Yemen ayaa ka mid ah dalalka sheegaya in axadda ay tahay ciidul fidriga.

Afrika dalalka Masar, Libya, Djibouti, Comoros iyo dalal kale yaa iyaguna sheegay in sabti ay tahay dhameystirka soonka halka axad ay tahay ciidul fidriga.

Dalal kale ayaa sheegay in aan la arkin bisha sida Malaysia, Australia, Japan, Filipins, Indonsia, Tunis, Libya, Turkiga iyo qaar kale.

Waxaa jirta dalalka Suudaan, Cammaan iyo Moroco iyagu waxaa ay soonka bilaabeen 25-kii April oo galabta sabtida ay raadinayaan bisha soonfur.

Goobjoog News