U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Codsatay Xubinnimada Golaha Ammaanka

Sheeko:Dalka, War

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbisay codsi ku aadan ka mid noqshoda  xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha 2023-ka.

Muuqaal laga duubay wadahadal dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Abuukar Baalle ayuu ninka dambe balanqaaday inuu dadaal ku bixin-doona sidii kurisigaas loo heli lahaa.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu hambalyeynayey Danjire Abuurkar Cismaan oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka golaha ammaanka, ayaa lagu xusay in codsiga kamid ahaanshaha loo gudbiyey golaha.

“Madaxweynaha ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyadda.

Goobjoog News