U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Sacuudiga Ku Ammaantay Sidey Xajka Ugu Koobeen Inta Gudaha Deggan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya ayaa la sheegay iney dalka Sacuudiga ku ammaantay talaabada iyo go’aanka ah iney Xajka sanadkan ku koobeen inta ku sugan gudaha dalkaasi.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Sacuudiga in Soomaaliya ay sidoo kale ku ammaanay go’aanka loo qaatay sababaha Covid 19, iyada oo Muqdisho balanqaaday iney arrinkaas taageeryso, soona dhoweyneyso.

Dalka Sacuudiga oo sanad walba u iman jireen 3 Milyan oo Xujey ah, kana heli jiray dalxdiis ahaan  $12 billion ayaan sanadka la hakiyey.

Goobjoog News