U bood dhigaalka

Taliska Booliska Galmudug oo Taliye Cusub Loo Magacaabay

Sheeko:Dalka

Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday taliyihiin booliska deegaannada Galmudug gaashaanle sare Cabdikariin Macallin Xuseen isaga oo taliye cusubna magacaabay ka dib dikareeto xafiiskiisa ka soo baxday.

Xijaar ayaa taliyaha guud ee booliska Galmudug u magacaabay sareeyo guuto Bishaar bshir Geedi waxaana sii hayaha hoggaanka caafimaadka booliska laga dhigay sareeyo guuto Cali Xirsi Barre halka Taliyaha xilka booliska Galmudug laga qaaday ee Cabdikariin Macallin loo dhiibay qeybta laanta socotada booliska.

Xilka qaadista taliyaha booliska Galmudug ayaa ku soo aadeysa xilli 8-dii bishan uu iscasilay taliyihii booliska magaalada Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed isagoo iscasilaaddiisana ku micneeyay in saraakiil boolis ah oo isaga ka sareysa ay sii daayeen rag la tuhunsanaa inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al shabaab.

Halkaan ka akhriso dikareetada

No photo description available.

Goobjoog News