U bood dhigaalka

Taliska Caabudwaaq Oo Soo Bandhigay Khamri Iyo Xashiish Ay Howlgal Ku Soo Qabteen

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka helayno gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay ku waramayaan in magaalada Caabudwaaq ee gobalkaasi lagu soo bandhigay Khamri aad u fara badan.

Taliska booliska magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaaladaasi ay ku soo qabteen dhallooyin Khamri ah iyo nuuc ka mid ah xashiishka, iyaga oo tilmaamay in Khamrigaasi uu gaarayay ilaa iyo ku dhawaad 100 dhalo oo Khamri ah.

Sidoo kale taliska Caabudwaaqa ayaa lagu wadaa in isla magaaladaasi ay ku gubaan quraaradahan Khamriga ah, waxa ayna digniin u direen shacabka, iyaga oo ka dalbaday in ay ka fejignaadaan waxyaabaha nuucaan oo kale ah.

Magaalooyinka qaar ee dalka ayaa mararka qaarkood waxaa laga fuliyaa howlgallo ceynkaan oo kale ah kaasi oo lagu soo qabto waxyaabaha maanka dooriya oo bulshada dhibaatooyin kala duwan u keena.

Goobjoog News