U bood dhigaalka

Taliye Odawaa oo Ciidanka Ku Dhiirageliyay Siiwadista Howlgallada Al-shabaab

Sheeko:Amniga
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Ceel-cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe,  ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Jeneraal Odawa Yusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay ugu taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaa, kaas oo dowladdu ku dhawaaqday in wajigiisa labaad laga beilaabayo deegaannada Hirshabeelle iyo Galmudug inta ay kaga sugan yihiin dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab
Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo dadka degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab  ka wada qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaanno ka kala tirsan Hiiraan iyo Galgaduud, Al-shabaab ayaa bilaabay in ay isaga baxaan deegaannada qaarkood.
Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeysay Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolkaas, ciidanka ayaa markale dib u qabsaday Galcad oo ka tirsan Galgaduud iyo deegaanka Beerxaano oo Hiiraan ah.
Saacadihii ugu dambeysay dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa waxaa laga dareemayay deegaanno hoostaga degmada  Ceelbuur, gaar ahaa Dirri iyo Waxbo, kuwaas oo lasoo sheegayo in ciidanka ay u ruqaansadeen, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa isaga baxay deegaanno ka tirsan Galgaduud.
Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaahowlgallada ay bilaabeen waxaa ay kusoo aadi iyadoo wajigii kood ee howlgallada Al-shabaab looga saaray magaalooyin dhowr ah sida Xarardheere, Galcad, Ceeldheer oo Galgaduud ah Aadan Yabaal iyo Masaaajidka Cali Guduud iyo deegaanno kale oo badan.
Goobjoog News