U bood dhigaalka

Tirada Caruurta Ugu Geeriyoonaysa Nafaqo Darrida Soomaaliya oo Sii Kordhaysa

Sheeko:Dalka

Abaarta baahsan ee ka jirta dalka ee saameysay malaayiin qof oo Soomaali ah  ayaa waxaa laga muujinayaa cabsi  in ay isku badasho macluul soo food saarta dad badan oo ay saamaysay abaartu, gaar ahaan caruurta da’doodu ka yartahay 5-ta sano oo nafaqo darri baahsan dareemaya xiligaan, taas oo ka dhalatay gaashajada iyo haraadka ay salka u tahay abaarta kacday.

Isbitaal Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa ah Isbitaalka kaliya ee xilligaan la tacaalaya caruurta ay soo riday nafaqo-darrida, waxaana maalin waliba soo gaaraya waalid sida caruur fuuq baxay, si ay nafaqo ugu helaan, waxaana saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay kororka caruurta u dhimanayso nafaqo-darrida ka dhalatay abaarta ku dhufatay guud ahaan dalka.

Xafso Maxamed Xasan oo kamid ah shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka Banaadir gaar ahaan qeybta caruurta ayaa laanta VOA-da u sheegtay in caruurta xilligaan la keenayo Isbitaalka ay sedex laab ka badan tahay kuwii imaan jiray bilihii lasoo Dhaafay, waxaana ay intaas ku  dartay in xilligaan la seexiyo meelo aan loo qorsheyn, kadib markii sariirihii buuxsameen.

“Tirada caruurta bilihii hore noo imaanaysay iyo bilahaan markii la isku fiiriyo aad ayey u bateen, sedex laab camal ayey ka badan yihiin tiradii hore. Isbitaalkaan waa Isbitaalka ugu weyn ee qabta caruurta ay naqo-darrida ay heyso, Sariir inta marmarka qaar loo waayo in meesha ay caqabad ay ka imaato, dhibaatooyinkaas ayaa ka mid ah” ayey u sheegtay VOA-da.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabadda lagu caleemo saarayay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee wax haysta iyo hey’adaha caalamka ugu baaqay in si deg deg gurmad loola gaaro malaayiinta Soomaalida ah ee la il daran nolol xumida ka dhalatay Abaarta baahsan ee ku dhufatay guud ahaan dalka.

“Dadka Soomaaliyeed ee daafaha dunida ku kala nool iyo hey’adaha caalamkaba, waxaan ugu baaqayaa kaalintooda in ay ka qaataan samatabixinta dadkeenna Abaaruhu tabaaleeyeen, iyadoo diiradda la saarayo Abaartu in aysan u badalmin macluul baahda” ayuu yiri madaxwerynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo ka hadlay in deg deg loogu gurmado shacabka.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamaa xiligaan in ay tahay abaartii ugu darneyd oo muddo 10 sano ah laga dareemo Geeska Afrika, waxaana dadka xeel dheer ay sheegayaan soo noqonoqoshadooda in ay sabab u tahay isbedelka ku Cilimada Adduunka, waxaana ay noqotay mid saameyn gaar ah ku yeelatahay caruuta iyo dadka da’da ah oo aad u dareemay.

Goobjoog News