U bood dhigaalka

UN-ka Iyo Soomaaliya Oo Ku Heshiiyey Wada Shaqeyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay  madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo.

Kulanka ayaa  looga hadlay xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo UNka, in si dhow  labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan.

Dhinacyada ayaa isla gartay  in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad.

Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxda Soomaalida ayaa u mahadcedliyey qaramada midoobey iyaga oo sheegay in ay wax badan ka taageerto. Labada dhinac waxaa la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir