U bood dhigaalka

Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA oo Ka Walwalsan Adeegsiga Sharci Darrada ah ee Telefoonka Wariye Abuuja

Sheeko:Dalka

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso.

Maalinimadii Axaddii 24ka May, 2020, abbaare 3:06p.m ayaa telefoonka wariye Abuuja lagu diiwaangaliyay aaladda wada-xiriirka bulshada ee IMO, iyadoo farriimo sheegaya in wariye Abuuja uu khadka internetka isticmaalayo loo diray dad ka mid ah qoyskiisa. Markii xubno ka mid ah qoyska ay dib u weceenna lagama jawaabin wicitaankooda.

Wariye Maxamed Abuuja waxaa markii ugu horreysay xiray saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) 29kii Febraayo 2020 kaddib markuu daabacay qormo uu ku dhaliilay ciidamada ammaanka. Waxaa la siidaayey 2da Maarso 2020 isagoo wax dembi ah aanan lagu oogin.  Markale ayey saraakiil NISA xireen 7dii Maarso, 2020, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayey xabsi go’doomin ah oo aan la ogeyn halka uu ku yaallo. Loomana oggolaanin inuu helo qareen iyo in qoyskiisu arkaan illaa waqtigan.

Sida uu xaqiijiyay Cabduwahaab Nuur Mahdi, oo ah wariyaha aabihiis, waxaa wariyaha laga qaatay telefoonkiisa maalinkii la xiray. Sidoo kale saraakiil NISA ka tirsan ayaa booqday guriga wariye Abuuja iyagoo kasoo qaatay kombuyuutarkiisa gaarka ah.

Annagoo ka walaacsan in xuquuqdiisa xafidnaanta xogtiisa gaarka ah lagu xadgudbay, ayaan sidoo kale waxaan si weyn uga walwalsanahay ujeeddada ka dambeysa falkan lagu isticmaalayo telefoonka wariye Abuuja. Waxaan rumeysanahay in wariye Abuuja uusan xor ahayn sidaa darteedna ma isticmaali karo telefoonkiisa.

Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA waxay dalbanayaan in deg deg loo sii daayo wariye Abuuja ama loo oggolaado maxkamad caddaalad ah iyo qareen.

Waxaan sidoo kale uga digeynaa suxufiyiinta, saaxiibada iyo xubnaha qoyska wariye Abuuja inay ka digtoonaadaan wax kasta oo xiriir ah oo lagala soo sameeyo telefoonka wariye Abuuja ama barihiisa bushada maadaama hadda uusan xor ahayn.

Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in qolooyinkii xiray wariye Abuuja ay hadlaan oo ay deg deg caddeeyaan cidda furatay telefoonka iyo barta IMO ee magaca wariye Abuuja ku qoran iyo ujeeddada laga leeyahay.

Goobjoog News