U bood dhigaalka

USAID Oo Xafiiska Howlgalkeeda Usoo Wareejisay Muqdisho

Sheeko:Dalka, War

 Maamulaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) Mark Green ayaa ku dhawaaqay in xafiiska howlgalka hey’adda laga furayo magaalada Muqdisho. Xafiiskaasi waxaa uu xirnaa tan iyo January 5, 1991.

Howl-galkan uu hoggaamin-doono agaasimaha hey’adda  Jeffrey Bakken ayaa lagu wadaa iney la shaqeeyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isla markaana ay fuliyaan mashaariic badan.

Mudane Mark Green ayaa oo xafladda arrinkan lagu shaaciyey ka hadlayey ayaa sheegay in howlo badan ay ka wadaa gudaha Soomaaliya, isla markaana ay qorsheynayaan mashaariic kale oo lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah.

Mark Green in furitaanka xafiiska USAID ay timid kadib markii ay dowladda Mareykanku ay xaqiijisay in hoggaanka dalka ay ka go’ntahay horumarinta iyo ka guul gaaridda hadafyada waawayn iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna dhanka kale ku dhawaaqay in USAID ay dowladda Soomaaliya ku caawinayso $185 Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadnimada dalka.

Mudane Mark Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Goobjoog News