U bood dhigaalka

Villa Soomaaliya oo Ka Dalbatay Hey’adaha Garsoorka Dib u eegista Dacwadda Wariye Gurbiye

Sheeko:Dalka

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka hadlayay sii deynta wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyokiiska dacwadda ah ee wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa waxaa marka hore soo dhoweeyay sii deynta Wariye Coldoon isaga oo dhinaca kale hey’adaha garsoorka dalka ka dalbaday inay dib u eegis ku sameeyaan dacwadda loo heysto agaasime ku xigeenka waraahinta Goobjoog Media Group.

“Waxaan si farxad leh u soo dhoweynayaa sii deynta wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon waxaan sidoo kale rajeynayaa in hey’adaha garsoorka dib u eegaan dacwadda loo heysto wariye Cabdicasiis Gurbiye oo Goobjoog ka tirsan” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee Villa Soomaaliya.

Wariye Gurbiye ayaa ku eedeysan dacwad la xiriirta sumcad dilka madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, nafjecleysigiisa iyo kicin dadweyne, waxaana wariyaha kiiskiisa ka hadlay hey’ado dhowr ah.

Hey’adaha caalamiga ah ee u dooda xorriyatul  qawlka sida Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa waxa ay xariggii loo geystay Wariye Gurbiye ku tilmaameen mid ka hor imaanaya xorriyadda hadalka waxaana sidoo kale xusid mudan in baarlamaanka midowga Yurub uu dowladda Farmaajo ka dalbaday inay laalaan dacwadda ka dhanka ah wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye.

Dhinacooda urrurada u dooda saxaafadda madaxa bannaan ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa siyaabooyin isku mid ah horey ugu cambaareeyay dacwadda ka dhanka ah wariye Gurbiye iyaga oo dowladda federaalka ah ku eedeeyay inay caburrin ku heyso warbaahinta madaxa bannaan.

Goobjoog News