U bood dhigaalka

Waa Kuma Siyaasigii Ugu Codka Badnaa Doorashada Golaha Wakiilada ?

Sheeko:Amniga

Afhayeenka xisbiga WADANI haddana ah mudane ka tirsan golaha wakiilada Somaliland Barkhad Jaamac Batuun ayaa ku guuleystay tirada codadkii ugu badnaa golaha wakiilada Somaliland,

Barkhad waa garyaqaan waxa uuna ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha la heyb sooco ee dega dhulka soomaalida waxa uuna codod aad u badan kaga adkaade musharixiinti kale ee la tartameysay .

 

Waa Kuma Batuun?

 Barkhad Jaamac Batuun waxa uu horaantii 1980-meyadii uu ku dhashay deegaan lagu magacaabo Aw-barkhadle oo bariga ka xiga hargeysa .

Waxaa uu ka baxay dugsiga sare ee Abuu-hureyra oo ku yaalla magaalada Hargeysa .

Jaamacadda Hargeysa ayuu ka qaatay waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda kuliyadda Sharciga .

Batuun ayaa sidoo kale waxa uu qaatay seddax shahaado oo heerka labaad ee waxbarashada jaamacadda, isagoo ka diyaariyay muluumta maamul wanaaga, siyaasadda iyo diblomaansiyadda .

Xilligii madaxweyne Siilaanyo waxa uu Barkhad Jaamac Batuun ka mid noqday dhaliyaro aqoon kororsi loogu diray dalka Masar , halkaas oo uu ka soo qaatay dibloomoyin ku saabsan diblomaansiyadda .

Barkhad ayaa ka hor siyaasadda ka soo shaqeyay hay’aado maxali ah , isagoo siyaasadda jagooyin badan ka soo qabtay .

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in Barkhad Jaamac Batuun oo ka sharaxnaa gobalka Maroodi-jeex golahiisa wakiilada uu ku soo baxay Tiradii ugu badneyd ee musharax u tartamaya golaha wakiilada uu ku soo baxo isagoo helay 20,231 cod .

Goobjoog News