U bood dhigaalka

Waddooyinka Muqdisho Qaarkood Oo Saakay Xiran

Oktoobar 17, 2018

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiray saakay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Wadada Makka Al-mukarrama iyo sidoo kale jidadka gala wadadaasi ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Shacabka ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya wadada dheer ee Makka Al-mukarrama, iyadoo aan la ogeyn sababta loo xiray waddooyinkaan.

Maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ammaanka Muqdisho kama aysan hadal xiritaanka waddooyinka, gaarahaan Makka Al-mukarrama iyo nawaaxigeeda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News