U bood dhigaalka

Wafdi Gargaar siday oo Boosaaso loo diiday

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ishoristaag ay maamulka Puntland ay ku sameeyeen diyaarad sidday gargaar bini’aadanimo oo ka timid magaalada Muqdisho.

Diyaaraddaan ayaa lagu hakiyay madaarka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, xilli mas’uuliyiinta maamulkaas ay sheegeen in aan lagu soo wargelinin socdaalka diyaaraddaas.

Gargaar bini’aadanimo oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayay sidday diyaaradda maamulka Puntland ay ku celiyeen garoonka Boosaaso, waxaana diyaaradda hogaaminayay wafdi ay la socotay guddoomiya ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Dhinaca kale waxaa xiisad ay ka dhalatay wafdiga kusimaha madaxweynaha Marwo Sacdiya, xilli ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF.

illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka ciidamada Puntland ku dhexmaray madaarka magaalada Boosaaso.

PSF ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay galbiyaan wafdiga guddoomiyaha, xilli maamulka uu ka biya diiday in ay soo galaan gudaha magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland illa iyo hadda war kama soo saariin shaqaaqada ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Booosaaso.