U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Dalka Masar oo Muqdisho Soo Gaaray

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyay dhigiisa dalka Masar Mudane Mustafa Madbuuli iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo kamid ahaa madaxda lagu casuumay xafladda caleemo-saarka madaxweynaha.

Wafdigaan ka yimid dalka Masar ayaa Muqdisho kaga qeyb gali doona munaasabadda lagu caleemo-saarayo madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo lagu wado in loo caleemo saaro mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo 15-kii May Baarlamaanka dalka uu u doortay madaxweynaha.

Ra’iisulawasaraha dalka Masar ayaa markii uusoo gaaray Muqdisho waxaa uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalka iyaga oo kawada hadalay xiriirka labada dal, waxaana Mudane Mustafa Madbuuli uu madaxweynaha u gudbiyay dhambaal salaan ah uu kaga siday madaxweynaha Masar.

Goobjoog News