U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka

Sii hayaha wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa  iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu la xiriiro barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka, kaas oo sanadkaan la daah furay.

Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda fedraalka Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo badan ka mid ah dalka.

“Waxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhabo”ayuu yiri wasiir Warfaa.

Barnaamijka baxnaano ayaa waxaa daahfuray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Farmaajo 18 bishii April ee sannadkan 2020ka, waana barnamij la sheegay in lagu taageerayo shabacka Soomaaliyeed kuwooda danta yar.

Goobjoog News