U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Magalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Wafdigaan Maanta gaaray Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada DFS Eng, Cabdi Canshuur Xasan.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabi kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada KGS oo uu ugu horeeyo Wasiirka  Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde iyo xubno kale.

U jeedka wafdiga ay Maanta u tageen Magalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta berito ah uu Magalada Baydhabo Wasiirka Boostada * Isgaarisinta Soomaaliya uu ka furi doono shir looga hadlayo arrimaha isgaarsiinta.

Wasiirka  Boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Sheekh Cadde ayaa sheegay in ay Baydhabo kusoo dhaweynayaan wafdiga,isla markaana shirkaasi ay burrito ka qeyb geli doonaan.

Dhinaca kale Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta  Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in shirka Maalinta burrito ah uu ka furi doono Magalada Baydhabo,isla markaana ay ka qeyb galayaan Wasiiro ka socda dowlad Goboleedyada.

Shirkaan la qorsheynaayo in maalinta berito uu ka furmo magaalada Baydhabo wuxuu daba socdaa shir sanadkii hore ka dhacay magaalada muqdisho oo looga hadlayey arimaha isgaarsiinta dalka kaasi oo ay ka  qeyb galeen dhamaan Wasiirada Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Maamul goboleedyada.

Goobjoog News