U bood dhigaalka

Walaac Laga Muujinayo Fatahaadda Wabiga Shabeelle iyo Digniino Laga Soo Saarayo

Sheeko:Dalka, War

Wabiga Shabeelle oo inta mara magaalooyin dhaca Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa xilligaan waxaa uu keenay biyo badan, iyadoo la gudo galay xilli-roobaadka Gu’ga, bulshada ayaa muujinaysa walaac badan oo ku aadan inuu geysto fatahaado dhaliya khasaare baahsan.

Magaalooyinka Badalweyne, Jowhar, Mahadaay iyo Balcad oo kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa inta badan waxaa ka dhaca fataahaado Wabiga uu ka geysto, taas oo dhalisa in ay ku baaba’aan dhul beereedyo iyo sidoo kale daadad laga cabsi qabo in ay magalooyinkaan ay ku rogmadaan.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saaray digniin ku aadan cabsida laga qabo Wabiga iyo Fatahaadda uu geysan karo, iyada oo bulshada loogu baaqay in ay ka dignoodaan, waxaana looga digay sidoo kale in ay ka aad uga fogaadaan goobaha Jiinka Wabiga ah, halkaas oo uu ku fatihi karo Wabiga Shabeelle.

Magaalada Afgooye ayaa Sidoo kale  kamid ah goobaha ay ka jirto cabsida laga qabo in biyaha xowliga ah ee uu soo Rogay Wabiga Shabeelle ay ka geystaan Fatahaado , sida hore uga dhacday dhwr jeer, waxaana xilli Gu’ga ee sanadkaan la sheegayaa in Wabiga uu ka biyo badan yahay sidii lagu arki jiray.

Wabiga Shabeelle ayaa inta badan waxaa uusan laheyn biyo xireenno, kuwaas oo xadidi kara biyaha badan ee ka imaanaya Wabiga, waxaa sidoo kale Fatahaadaha loo aaneeyaa in gunta hoose ee Wabiga Shabeelle uu noqday meel qashinka lagu qubo, taas oo sababta inuu qaadi karin xadi  biyo badan ah.

Sanadihii lasoo Dhaafay Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaado sababay khasaaro baahsan oo u geystay bulshada ku dhaqan gobollada Hiiraan Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose uu fatahaad ka geystay, gobolka Hiiraan ayaa marweliba halka ugu badan oo musiibada Fahaaduhu khasaaraha badan ka geystaan.

Walaaca laga muujinaayo Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Wabiga Jubba uu Fatahaad aad u baahsan ka sameeyay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo fatahaaddu ay geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, iyadoo laga barakacay Baardheere.

Goobjoog News