U bood dhigaalka

Wanlaweyn: Qarax Miino Oo Saaka Dhacay, Akhriso Khasaaraha Ka Dhashay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saaka qarax miino uu ka dhacay degmada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay afaafka hore ee gurriga  Guddoomiye ku xigeenka Amniga Wanlaweyn  Cabdullaahi Cabdulle Xasan Guduudoow.

Wararka aan ka heleyno degmada ayaa sheegaya in qaraxa inta la xaqiijiyay uu ku dhintay wiil uu dhalay guddoomiyaha, halka dhaawac uu ka soo gaaray mid kamid ah ilaalada guddoomiye Gaduudoow.

“Miinada Guriga meel bannaankiisa ah ayaa la dhigay, markii aan guriga galay ee aan sariirteyda aaday ayay Qaraxday, wiil aan dhalay oo 20 jir ah ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay mid kamid ah ilaaladeyda, Aniga xitaa waxaa isoo gaaray dhaawac oo waan fiicanahay mana jirto cid aan ku tuhmaayo ama na dhexmaray hadal dhibaato dhalin kara,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdulle Xasan Guduudoow.

Sikastaba inta badan ayaa gobalada shabeellooyinka waxaa ka dhaca qaraxyo noocaan ah oo lala beegsado mas’uuliyiinta gobalada.

Goobjoog News