U bood dhigaalka

War-Saxaafadeed: Goobjoog Oo Xariga Weriyaheeda Ku Tilmaantay Sharci darro, Kana Sheegatay Hanjabaad iyo Cagajugleyn

Sheeko:Dalka

Warbaahinta Goobjoog ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay xariga weriye Cali Aadan Muumin, oo maalintii 2aad ku xiran magaalada Muqdisho.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in xariggiisu yahay sharci darro isla markaasna loo fuliyay hab ka fog hannaanka Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

Sidoo kale waxaa la xusay in hoggaanka Dembi Baarista (CID) uu ku xadgudbay xuquuqda muwaadinnimo ee Wariyaha iyo madax-bannaanida warbaahinta xorta ah ka dib markii ay ugu yeereen weriyaha su’aalo weydiin ka dibna ay xabsiga u taxaabeen.

Waxaana dowladda loogu baaqay iney sii-daayaan weriyaha, xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo, Xukuumaduna ay gudato mas’uuliyadda ka saaran tahay ilaalinta sharciga iyo xuquuqda uu Dastuurku siiyey dhowrista xoriyada ra’yiga iyo afkaarta muwaadinka Soomaaliyeed.

“Bahda Warbaahinta Goobjoog oo horey hanjabaad iyo cagajugleyn kala kulantay hay’adaha Aminiga ee Xukuumada Federaalka Soomalaiya waxay welwel ballaaran ka qabaan in xarigga wariye Cali Adaan Muumin uu horudhac u yahay tallaabooyin kale oo ka dhan ah warbaahinta xorta ah mana la aqbali karo in howlwadeennada warbaahinta xorta ahi ay ku shaqeeyaan cabsi iyo argagax ay kala kulmaan Dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri qooraalka

Haddaba, Halkan Ka Akhriso War-saxaafadeedka:

Guji : WAR-SAXAAFADEEDKA ama Akhriso: