U bood dhigaalka

Waraysigii Madaxweynaha “Nin Kaligiis Garramay”

Sheeko:Dalka

Waxaan si deggan u daawaday waraysigii madaxweyne Farmaajo uu Adis Ababa ku siiyey TV-ga Universal, qiimayntayda kuma arkin xog muhiim ah oo ku dhexjirta waraysigaas oo uu wax ka faa’idi karo qof u hamuunqaba hadalka hogaamiyaha dalkiisa oo muddo dheer aamusnaa, balse waxaa iiga soo baxdey arrimo dhowr ah:

  1. Maadaama muddo xileedkii madaxweynuhu ay gebagabo ku dhow-dahay waxaa qasab noqotey inuu hadlo, halkudhiggii shirkii uu ka qeybgalay ee ahaa “ aamusinta qoriga” in ay kooxdiisu u bedelaan “ka hadalsiinta musharaxa” ama afjooga looma adeego.
  2. Waraysigu wuxuu u muuqday sidii caadada u ahayd madaxtooyada mid si aad ah loo soo jar-jaray, nuxurkiina laga soo reebay taasoo dhadhankii waraysigan yeelan lahaa kala dhantaashay.
  3. Qiyaastii wariyhu wuxuu weydiiyey 17 su’aalood oo u ekaa kuwo la soo jasuureeyey, wariyuhuna uu u dhagaysanayey jawaabaha sidii loox laga baxayo oo kale, dhanka kalena jawaabaha uu ka bixinayey madaxweynuhu su’aalaha la weydiiyey badankoodu ma ahayn kuwo is leh, tusaale ahaan markii la weydiiyey sanadkaan halkudhigga shir madaxeedka midowga Afrika ee 33-aad ee ahaa “Aamusinta Qoriga” wuxuu ku jawaabay waxaan codsannay in Soomaaliya cunaqabateynta hubka laga qaado, ma ahan jawaab u qalanta ama u dhow inuu madaxweynuhu fahmay shirka uu ka qeybgalayo waxa uu ku saabsanaa.
  4. Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyey waxa u qabsoomay 3-dii sano ee la soo dhaafay, ololihiisii doorashada arrimihii uu ku ballanqaaday ee la xiriiray amniga dalka in uu xaqiijinayo, la dagaalanka musuqmaasuqa, khilaafka dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, aamusnaantiisa marka dadka Soomaaliyeed ay argagixisadu xasuuqdo, muranka shahaadada ardayda Puntland, Ciidamada maamulkiisu uu geeyey Jubaland iyo go’doominta gobolkaas, Doorasho qof iyo cod ah qabashadeeda, su’aal jilicsan oo la xiriirta kulamada dhexmara asaga, Abiy iyo Afwergi.. iyo su’aalo kale oo aan filayo in xafiiska madaxtooyadu ku darsaday.
  5. Jawaabaha uu bixinayey waxey iila ekaayeen, kuwo isuga jira: faan, sheegasho khibrad, caashaq asaga iyo raysulwasaaraha ka dhexeeya, in doorashadii la galay 2017 uu ku tilmaamay mid sharciga hareer-marsan, fashilka amniga iyo arrinta musuqmaasuqa wuxuu ku muddeeyey in waqti kale loogu daro oo ay u baahan yihiin arrimahaasi waqti dheer si loo xaqiijiyo, uma muuqan madaxweynuhu nin raba inuu dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya dawlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland wuxuuna ku tilmaamay maamullo shisheeye u shaqaynaya taasoo ah marinhabaabin iyo daboolid fashilka ka soo waajahay isku haynta dalka.
  6. Waraysiga madaxweynaha laguma soo qaadin doorashadii Galmudug, is aragga asaga iyo madaxweynaha Somaliland, dhammaystirka dib u eegista dastuurka, kiiska badda oo faahfaahsan, arrimaha isdhexgalka geeska Afrika ee uu madaxweynuhu ku mashquulsanaa sanadihii la soo dhaafay, haddii uu ka cudurdaaranayo dhiibistii Qalbidhagax, dalka sidee doorasho uga dhacaysaa haddii uu la dirirsan yahay dawlad goboleedyadii qaarkood, inaan la weydiin su’aalahaas waa midda shakiga dhalinaysa in su’aalaha madaxtooyadu wax ka soo diyaarisay ama loo diiday wariyaha in uu su’aalo kuwan la mid ah weydiiyo.

Gabagabadii waraysigaan wuxuu banaanka soo dhigay in odogu weli aysan maskaxdiisa ka bixin muddo kororsigii uu ku riyoonayey, gaar ahaan markii uu ku tilmaamay doorashadii 2017 in ay sharcidarro ahayd, taas la macno ah doorasho qof iyo cod ah haddii ay dhici waydo 2020, kursiga xoog ayaan ku sii haysanayaa, wuxuuna ku celceliyey dalku isbedel uma baahna maadaama anigoo wanaagsan oo waaya-arag ah aan joogo waxaa lagu tilmaami karaa jawaabta madaxweynana in ay tahay “nin kaligii garramay”.

Halbeegga lagu cabbirayo waxqabadkii madaxweynaha waa ballanqaadyadii uu ka hor aqriyey barlamaanka todobaadkii koowaad ee bishii Febraayo 2017, haddii la rabo in la bogado waxqabadkiisana meesha la fiirinayo waa magaalada madaxda dalka ee Muqdisho sida ay u eg tahay. Madaxweynaha waxaa laga sugayey dhowr shaqo inuu muhimadda siiyo waa dhammaystirka dastuurka, doorasho qof iyo cod ah in ay dhacdo sanadka 2020, iyo amniga dalka in la sugo oo lagala wareego ciidamada AMISOM waxaan qiyaasayaa in aan midkoodna muuqan in wax la qabtey kulligoodna lagu fashilmay, ayadoo intaas oo fashil oo dhex muquuranayo ayuu Md. Farmaajo sii raadinayaa inuu kursiga xoog iyo xeelad muddo aan tii sharcigu siiyay ahayn uu sii joogo.

Xildhibaan AXMED MACALIM FIQI