U bood dhigaalka

Warbixin: 7 Sabab Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Qasbey Inuu Celiyo Dhalashada Mareykanka!

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha JF ee Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu dib u celiyey dhalashada Mareykanka, halkaasi uu ku waayey xuquuqdii muwaadinnimada Mareykanka. Inkasta oo ay soo daahday waa tallaabo ay dad badan bogaadiyeen, oo horayna u ahaa dalabka shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Farmaajo waxaa arrinkan horay ugu ogolaanayey dastuurka qodobkiisa 8aad faqradiisa 3aad oo u qoran: Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale, laakin hadda waxaa socdo qorshe dastuurkan qabyada ah ee dib u eegista ku socoto lagu daro in Soomaaliya aanu madaxweyne ka noqon karin qof 2 Baasaboor leh.

In dastuurka qabyo qoraalka ah lagu daro in Soomaaliya aanu madaxweyne ka noqon karin qof labo Baasaboor leh ma aha wax cajiib ah, oo waxaa uu qodobkaas isaga oo far waaweyn ah ku jiray dastuurkii 1960-kii, qodobka  71aad, dastuurkii 1979-kii, Qod. 81aad iyo Dastuurkii 1990-kii qodobkiisa  78aad.

Sababaha Madaxweyne Farmaajo Ku Qasbi Kara Inuu Celiyo Dhalashada Mareykanka:

1. In uu arkay dastuurka dib-u-eegista ku socoto, oo laga reebay qodobkii madaxweynaha u ogolaaney 2 Baasaboor, sidaa darteedna ansixintiisa uu si qasab ah ku weydoono Baasaboorka Mareykanka, taa darteed uu Farmaajo ka hor dhacay!

2. Inuu ku qancay xuquuqda uu siinayo sharciga xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha siyaasiyiinta dowladda Federaalka, oo hadda horyaalla golaha aqalka sare ee BF!

3. Inuu doonayo ka qeyb galka bisha September shirka ama Kulamada Kalfadhiga soo socda ee Jimciyadda Qurumaha!

4. Inuu xujeynayo siyaasiyiinta 2 Baasaboor leh, ee rajada weyn kala lahaa iney tartamaan doorashada 2020-ka!

5. In arrintan horudhac u tahay ololihiisa doorashada 2020-ka iyo damaca ah inuu dib u soo laabto!

6. Inuu cadaadis uga yimid Mareykanka, oo sharciyada cusub ee soo baxay ee ka hor istaagayaan inuu sii heysto.

7. Inuu degenaashiyo ka helay ama dal kale uu u soo bandhigay guri, ceydh, nolol iyo deegaan noloshiisa inta ka dhiman ah!

Haddaba, waxaan akhristayaasha sidoo kale la wadaagi-doonnaa, Maxaa ka dhalanaya marka muwaadin Mareykanka uu iska celiyo dhalashada Mareykanka:

1. Sida ku qoran qodobka 349(a)(5)  ee sharciga jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka, qofka ka laabanaya  ama dib u celinaya dhalashada Mareykanka waa ku horsameeyo tilaabadaasi diblomaasi ama safiirka dalka Mareykanka.

2. Lama ogola inuu diro E-mail, boosto iyo IWM, waa inuu dhaartaa,  waana inuu su’aalo badan uga jawaabo waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka ee raacsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga.

3. Waxaa uu weynayaa dhammaan xuquuqda uu ku heli jiray dhalashadii Mareykanka.

4. Qofka jinsiyadda Mareykanka iska celiya waxaa laga yaabaa haddii uu jinsiyad kale heysan inuu noqdo dhalasho la’aan, mana helayo  xukuumad xuquuq siisa, oo heli-doono inuu wax lahaado, kireysto, shaqeeyo, guursado, waxbarto.

5. Qofka dhalashada Mareykanka ka laabto lama weydiin doono canshuur iyo dhibow ciidan ama arrimaha laga rabo muwaadinka caadiga ah.

6. Dhalasho la iska celiyo kama dhigna in aan lagu oogi karin dambiyo uu qofka horay u galaya ama uu geli-doono ama arrimo maaliyadeed uu bixin waayey sida biilka caruurta.

7. Haddii ay yihiin caruur 16 ka yar ama dadka baahiyaha gaarka ah, arrintaas waa mid adag, waxaa loo sheegayaa inuu sugo ilaa da’da 18 jir-ka.

8. Haddii qofka uu ka laabto dhalashada Mareykanka, dib uma codsan karo, oo waa go’aan aan laga laaban.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, 

Goobjoog News