U bood dhigaalka

Warbixin:-Bahda Ciyaaraha Soomaaliya Oo Dowladda Kaga Mahad Celiyay Furitaanka Stadium Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweyanha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho ka jaray xarriga,iyadoo Dowladda Soomaaliya garoonkan ay kala wareegtay ciidamada Amiso dabayaaqdaii 2018 waxaana furitaankiisa kasoo qeyb galay mas’uuliyeenta Dowladda iyo ciyaartooydii hore . 

Wasiirkii hore Gaadiidka iyo dullista Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheel horayna ugu soo ciyaarayay Xulka Qaranka ayaa hagaajinta Stadium Muqdisho kaga mahad celiyay madaxda Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey ciyaar xiiso waxaana 16-sano ka dib kulankii furitaanka ku wada dheelayay kooxaha Muqdisho City Club iyo naadiga xooga dalka ee Horseed waxaana goolkii ugu horeeyay Stadium Muqdishu dhaliyay laacibka qadka dhexe ee naadiga Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Xasan CabdiNuur Xasaasi.

Dib u haaginta gegida Muqdisho Stadium waxaa Dowladda Soomaaliya kaa taageeray midowga Yurub iyo Dowladda Norway,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyeenta Dowladda Soomaaliya.

Si kastaba barabaraha bulshada ayaa si weyn loogu gorfeeyay sawirdda bilic soo celinta Muqdisho Stadium,inkastoo madaxada Dowladda ay sheegeen in la dhameystiri doono qeybaha kale oo ka koobanyahay tuulada isboortiga ee Muqdisho Stadium .

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Mawduucyada:Banaadir