Warbixin: Coronavirus Dartii… Xawaaladaha Dalka oo Xaalad Adagi Ay Soo Wajahday

Shirkadaha xawaaladuhu badanaa waxey u adeegaan qurba joogta qaraabadooda iyo  asxaabtooda gudaha dalka jooga lacagaha usoo dira; in kastoo mararka qaar la arko ganacsato dalka gudihiisa ku sugan oo lacago dibadda loogu xawilo si ganacsi ay dalbadeen ama ay doonayaan loogu soo iibiyo.

Laakiin suuqa ganacsiga lacagaha lasoo diro in muddo ahba waxaa saameeyn ku yeeshay oo ciriiri badan geliyay sharciyo adag oo salka ku haya baqdinta laga qabo lacagaha sida khaldan loo diro (money laundering) ee maalgelinta xagjirka loo adeegsado, arrintaas oo welwel gelisay Soomaali badan oo ay u muuqatay in ku adkaan doonto taageeradii ay u fidin jireen qaraabada iyo asxaabtii dalka joogtay ee ay cududda u ahaayeen.

Sida ay dhaqaaleyahannadu qiyaasaan dadka Soomaaliyeed 40% waxay ku tiirsanyihiin oo ay ku noolyihiin lacagta dibadda looga soo diro, tusaal ahaan dalka Britten waxaa laga soo diraa  $139 milyan, guud ahaan lacagaha dalka ay soo geliyaan xawaaladaha lagu qiimeeyo illaa 2-bilyan oo dolar.

Iyadoo ay jirto in xawaaladaha ay markiiba hore dhibaato iska haystay oo intooda badani ay lacagaha boorsooyin ku qaadi jireen isla markaan ay la raaci jireen diyaaradaha, ayaa hadda culeyskii hore uu kusoo kordhay mid cusub, waa caabuqa dunida oo dhan naafeeyay ee “Coronavirus” oo sabab u noqday in dhaqaalihii dunidu uu wiiqmo, dad badani ay shaqadooda ku waayeen, isku socodkii dunida uu gaabis galo, dowlkastaa ay xuduudaheeda badda, beriga iyo cirkaba ay xirato si aan caabuqu u soo gaarin ama ay u xakameeyaan.

Hadaba, Warbixintan waxaa ku eegaynaa dhibaatada uu Coronavirus u geystay xawaaladaha dalka maadama la tacaalidiisu ay hadda sii cagacageynayso muddo 4 bilood ku dhow, haddii xaaladdu ay sidan kusii socotana ay adkaan doonto nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo ku tiirsanaa qaraabadooda dibadda joogta oo nolol maalmeedkooda uu ku xiran yahay.

Muhiimadda Ay Xawaaladuhu U Leeyihiin Dhaqaalaha Dalka

Cidna kama Qarsoona qiimaha ay xawaaladuhu dalka ugu fadhiyaan oo halbowlaha dhaqaalaha ay yihiin,  la’aantoodna ay wax badani ciriiri geli doonaan, waa sida uu aaminsan yahay Cabdiweli Muuse Maxamuud oo ah guddoomiyaha xawaaladleyda Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay goobjoog, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa; “Dhaqaalaha Soomaaliyeed meesha ugu muhiimsan waa xawaaladaha, waxa soo raaca waa wax yaryar, xoogaa ari oo la dhoofiyo marka ay Udxiyadu timaaddo oo Sucuudiga loo dhoofiyo oo sanadkaanba sida howshu ku socoto aan jireyn, xagga beerahaan waxbadan lagama dhoofiyo.”

Waxa uu tilmaamay in lacagaha qalaad ee dalka wareegaa ay yihiin kuwa ay xawaaladuhu soo diraan, haddii la waayana uu ka baqayo abaartii caga-bararka mid ka daran ay dalka ka dhacdo: “Suuqyada iyo magaalooyinkana si weyn ayuu waxyeello ugu geystay<Hoos u dhaca xawaaladaha> sababta oo ah dadku waxey wax ku kala gadanayeen ama lacagta dalka wareegaysay waxey ahayd lacagaha ugu badan tan dadka jaalidaha dibadaha jiraa ay usoo dirayaan dadka qaraabadooda ah, lacagtaas ayaa aad u wareegaysay, lacagtiina hadda ma leh, xaaladdii caga bararkii ka daran iney dhacdo ayaan cabsi badan ka qabaa.”

Dhanka kale, Aadan Xalane ah oo Aqoon yahan wax ka barta cilmiga dhaqaalaha oo aan wax ka weydiinnay muhiimadda ay xawaaluduhu dalka ugu fadhiyaan ayaa ku jawaabay: “Doorka xawaaladaha Somaliya wuxuu si weyn muhiim ugu yahay dib u cusboonaysiinta dhaqaalaha dalka isaga oo ka caawinaya wadista matoorka dhaqaalaha.Dadka loo soodiro lagacaha ee ku nool dalka waxay ku maareyaan lacagahaas noloshooda aasaasiga ah Sida; Cuntada, Biyaha, korontada, Kirada ama ijaarka, waxbarashada ilmaha iyo waliba qaar kale oo ka sameysta ganacsiyo yaryar.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Dhanka kale marka aan ka eegno, lacagahaas waxay dhaqli u yihiin bulshada leh guryaha, ceelasha biyaha, shirkadaha korontada iyo waliba goobaha waxbarashada”.

Dhibaatooyinka Uu Coronavirus U Geystay Xawaaladaha

Pro. Yaxye Xaaji Caamir oo aan ka waraysaynnay, ayaa noosheegay  “Dadkii dibadda joogay ee lacagaha soo diri lahaa iyaga ayaan ka bixi karin guryahooda, kii xitaa xawaalad dibadda ku haystay xawaaladdii ayaanuu tagi Karin, dad halkan jooga Ayaan arkaya oo lacago u diraya dalka Kenya, illeen waa la isku wada xiran yahaye.”

Cabdiweli Muuse Maxamuud, ayaa isna dhankiisa inoo sheegay: “Xawaaladaha intii muddo ahba wey dhutinayeen oo wadamada akhtharkooda(badankooda), waxaa lagu soo qaadayay boorso, lacagta xawaaladaha sida America oo meesha ugu badan ee lacagtu ka timaaddo boorso ayaa lagusoo qaadi jiray, wey joogsatay marka, hadda xawaalidihii America joogtay midda ay doontaba ha ahaatee wax lacag xawi karaa aad ayey u yaryihiin, qaar ma xawilaan qaarna 100 dolar labo boqol oo doolar wax la mid ah ayey qaadaan, sababtu waxa weeyaan meel lasoo marsiiyo ma laha. lacagtaan markii la qabto halkaas ayey ku aruuraysaa, markii hore waa lasoo qaadi jiray, waxaa la keeni jiray meesha la yiraahdo Dubai, ganacsatay ayaa halkaa ka qaadanaya bariis, sonkor, qalabka dhismaha waxaas ayey kusoo iibsan jireen.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dubai-dii naftarkeedii waa xiran tahay, markaa Shacabkii Soomaaliyeed waxey marayaan xaalad khatar ah, lacagtii dadka Soomaaliyeed ee qurbaha joogay usoo diri jireen, waa khatar in hal boqol oo dolar uu qofku hooyadii usoo diri jiray iney weydo.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay in hoos u dhac baaxad leh ay dareemayaan: “Hoos u dhac weyn oo aad u ballaran oo la dhihi karo 60 ilaa 70%, waxaa la dhihi karaa haddii ay saan kusii socoto oo Isbuuc kale ay qaadato ama bil ay ku dhawaato waxa weeyaan xaalad khatar ah, in xal la helo mooyaane wax kale oo meesha ka imaanaya ma jiro.”

Aadan Xalane ayaa dhankiisa qaba: “Cudurka covid-19 waxa uu saameyn ku yeeshay xaawladaha ama lacagaha laga soo diro dibada. Bulshada Soomaalida ee ku nool dowladaha horumaray oo cudurkani saamaynta ba’an ku hayo oo ka shaqeenayay hoteellada, maqaayadaha, iyo weliba baaburta tagaasida ah, ayaa badankoodu ay waayeen shaqooyinkoodii, iyagoo aan helin taageerada dowladihii ay ku noolaayeen. waxaa ka sii xun, xitaa kuma noqon karaan dalalkoodii ay ka yimaadeen xanibaadii safarka awgeed.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Xitaa kuwa haysta lacago ay u diraan ehelkooda, waxaa laga yaabaa in ay ku dhibtoodaan lacag dirista ama ay u suurtoobi waydo xayiraada wadamada ka jirta awgood.”

Sidee Looga Dhowsan Karaa  Dhibaato Dhaqaale Oo Aad U Ba’an Oo Dalka Soo Waajahda Isla Markaana Xawaaladaha Loogu Fududeyn Karaa In Lacagaha Si Fudud Ay Usoo Gaarsiiyaan Dalka

Prof. Yaxye, waxa uu aaminsan yahay in labo tallaabood haddii ay is raacaan ay wax badani hagaagi karaan oo raadka saameynta la yareyn karo, labadaa arrimood oo kala ah in badeecada quutul-daruuriga ah ee dalka soo gasha canshuurta laga yareeyo, halka loo baahan yahay in ganacsata lagula xisaabtamo inaaney badeecadaha  qaaliyayn; “Dalka lacag adag ayaa soo gali jirtay oo ganacsatada waaweynna waa ku xisaabtami jireen, shirkadaa ku xisaabtami jiray canshuur ayaa laga heli jiray, wixii oo dhan waa la weynaa markaa waa in tallaabooyin muhiim ah la qaado, hadda dowladdu labo tallaabood oo muhiim ah ayay qaadday oo ah in waxyaabah daruuriga ah ee dalka soo galay  laga yareeyo canshuurta, waa tallaab wanaagsan oo in la qaado, tan labaad ganacsatada oo lagula ballamo iney joojiyaan inaaney sicirka waxba ka bedelin iyaduna waxey u baahan tahay dabagal maxaa yeelay; ganacsatadu waxey u badan yihiin dad interstigooda raaca, dadbadani kaash ma heystaan oo waxey ku noolaayeen nolol maalmeedka markaa shaqooyin badan ayaa istaagaaya.”

Guddoomiyaha xawaaladleyda Soomaaliyeed Cabduweli Muuse waxa uu aaminsan yahay in Bankiga dhexe aanuu kasoo dhalaalin kaalintiisii looga baahanaa ee dhanka taageero uu u fidiyo xawaaladleyda si ay ugu sahlanaato iney lacagaha soo gaarsiiyaan gudaha dalka, laakiin ay rajo fiican ka qabaan in culeyska haysta xawaaladaha la garwaaqsan doono waxna laga qaban doono waa sida ay rajeynayaan.

“Xalkuna wax kale maaha ee waa bankiga dhexe oo sidi la rabay aan u shaqeynayn, guddoomiyaha bankiga dhaxe ragga ka shaqeeya kulli waa la dadaalayaa, laakiin kaalintiisii ayaa weli wax ka maqan yihiin, ganacsatadii wax loo xawili jiray, waxaa ugu badan Dubai, Shiinaha iyo Turkiga, saddexdaas meelood ayaa ugu badan saddexdoodaba cudurkaan Coronaha ayaa aad u saameeyay, wax dhaqdhaqaal la yiraahdo ma jiro, diyaarad galeysa iyo wax kasoo baxaya kulli ma leh.”, ayuu yiri guddoomiyaha xawaaladleyda Soomaaliyeed oo sidoo kale noo sheegay iney dhowr jeer oo hore uu warkoodu gaaray madaxda sare ee dalka.

Waxa uu farta ku fiiqay: “Bankiga dhexe wey dadaalayaan kulamo badan baan yeelannay, madaxda dalka ugu sarreysa farriintaan waa loo dhiibay, waxaaladaha iyo bankiyadu waa u tageen, intaas oo shirar baa la qaatay, wey ka warqabaan xaaladda waxeyna noo sheegeen in wax ka qabadka arrintaan ay ku maqan yihiin oo dadaal badan ay u sameynayaan si arrintaan lacaga jaaliyadaha dibadda jooga ay dalka kusoo gali lahayd ayey dadaalkeeda wadaan, waxaana rajeynayaa iney ku guuleysan doonaan.”

Aadan Xalane ayaa aaminsan in bankiga dhexe uu xawaaladaha dalka wax badan la qaban karo maada la adeegsan karo adeegga Digital Banking: “Hadaba, hadii ay adkaatay in xawaalad lacag lagu soo diro waxaa jiri karta bedel kale oo uu bangiga dhexe ka caawin karo bulshada. bedelkaa waxa uu yahay in la isticmaalo Digital Banking oo ah in la isticmaalo bank to bank. Taa iyaduna caqbad ayeey leedahay oo bankga dhexe laga rabo in uu xalliyo taa oo ah in dadka loo soo diro lacagaha aysan intooda badan lahayn account bank, waa in uu bankiga dhexe keena hab uu lacagta dadka kusoo gaari lahyd qaasatan kuwa aan bank account lahayn. Waa in uu fududeeya in bankiyada gaarka loo leeyahay ay xariir la yeeshan bangiyada calamigga ah si dadka inta account samaysan lacagta loogu soo diro.”

Si kastaba, mar haddii aan aragnay in xawaaladihii dalka ee halbowlaha uu ahaa dhaqaalaha ay xaalad adagi soo waajahday, mar haddii aan ognahay in hoos u dhac ballaaran oo lagu qiyaasayo 60% uu soo gaaray, haddii aan ku baraarugsannahay in dhibaatada haysataa ay tahay sidii ay lacagta dalka kusoo gaarsiin lahaayeen, mar haddii aan garwaaqsannahay in xalka ugu sahaln ee ugu dhow uu jiro dhanka Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo u muuqda mid kaalintiisii ka gaabinaya, waxaa laga maarnaan ah in bulshada Soomaaliyeed u sii diyaargaroobaan xaalad dhaqaale oo adag oo dalka kusoo waajahan, haddii aan si degdeg ah wax looga qabanna ay dhici karto abaaro dad iyo duunyaba lagu wiiqmo oo cidwalba saameysa.

W/D: Khadar Xuseen ‘Gabiley’

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW