U bood dhigaalka

Warbixin:-Muqtaar Maxamed Oo Muqdisho ku Xannaaneeya Ku Dhowaad 500 Oo Digaag

Sheeko:Dalka

Hal-abuurku waa feker ka dhex guuxaya qof kasta oo caafimad qaba, balse hergelinta iyo sida ay cid kasta ugu go’antahay ayaa lagu kala duwanyahay, waxana ka gun gaara oo Guulaysta qofka yoolkiisa u dhabar adeega, una dulqaata caqabadaha kaga iman kara.

Muqtaar Maxamed Maxamud, waxa uu Muqdisho kaga baxay Jaamacad isaga oo da’ah waxaana uu bartay Kulliyadda Beeraha, lkn waxa uu aad u jeclaa xanaanaynta digaagga oo hadda ku howlnyahay.

In muddo ah ayuu u fekerayay qorshahan oo uu ka leeyahay mustaqbal fog, waxana uu hadda xanaaneeya ku dhowaad 500 digaaga oo yayar iyo waaweyn isugu jira,

Shirkado uu heshiis kula jiro ayaa ka iibsada, waxana jira qorshe uu doonayo in uu hadda ku sii ballaariyo halabuurkisa si uu u helo macaamiil badan oo ka sii iibsada.

Muqtaar Maxamed oo ah Maamulaha Shirkaddan ayaa sharraxaya ujeedka uu aas-aasay iyo faa’iidada ugu jirta maaddama uu waqti wax dheef labdaba geliyo.

  

Waxaa jira faramoyin dhowr ah oo uu adeegsado kuwaa oo ka saacida in xannaaneyo digaaggan, waxa uu sharraxaya qalabka kala duwan ee xaruta u yaalla iyo sida u kala adeegsado.

Goobjoog Ayaa Warbixinta Ka Samaysay Muqtaar Maxamed Maxamuud

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/777824692951035/

Goojoog News