U bood dhigaalka

Wariye Coldoon Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagayo

Juun 25, 2019

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa uu markii Labaad kasoo muuqdo wariye C/maalik Muuse Coldoon.

Coldoon oo ah Wariye ayaa sidoo kale ah Samafale aad looga yaqaano guud ahaan dalka, waana shaqsi u ololeeya arrimaha bini’aadannimada.

Wariye Coldoon ayaa ku eedeysan kicin dadweyne iyo sidoo kale arrimo lagu sheegay iney wax u dhimayaan madax-bannaanida ay sheegatay Somaliland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News