U bood dhigaalka

Warsaxaafadeed: Akhriso Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Madasha Xisbiyada Qaran

Sheeko:Dalka

Shir ay isugu yimaaddeen Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) mudadii u dhaxeysey 29ka Febraayo illaa 4ta Maarso 2020, oo ay kasoo qaybgaleen dhammaan xisbiyada xubnaha ka ah MXQ. Muddadii 5-ta casho ahayd ee shirku uu socday, waxaa ahmiyadda ugu weyn la siiyay sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka ka jira oo maraya heerkii ugu adkaa taasoo horseedi karta in dawladnimadii la kobcinaayay ay wiiqanto haddii aan la helin xal degdeg ah oo ku aadan marxaladdaan.

Shirka madasha xibiyada qaran ayaa waxaa laga soo saaray qodobo 13 ah kuwaasi oo ay ku heshiiyeen dhamaan xibiyadii ka soo qeyb galay madasha.

Madashan ayaa waxayaabaha ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda loo asteeyay oo loo qabto hanaanka asxaabta badan.

Hadaba halkan ka akhriso warmurtiyeedka ay soo saareen madasha xisbiyada qaran

Goobjoog News