Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Oo Isku Garab Waddo Labo Sharci Oo Xagga Shidaalka Ah!

Djibouti waxaa  todobaadkii hore  ka dhacay shir lagu soo bandhigay wax ka bedelka  sharciga 2008, kaas oo ay sameeyeen koox ka socotay wasaaradda batroolka iyo macdanta.  Sharcigan cusub ee wax laga badalayo waa mid ka duwan kii ay golaha wasiirrada ansixiyeen 2017, horyaalladana baarlamaanka federaalka ah!

Arinta kale ee meesha lagu soo qaaday ayaa ahayd in Soma Oil and Gas la siiyay 12 xirmo (blocks), taasoo dhinaca wasaaradda ay ku doodeen in heshiiskii horey loogu saxiixay dawladdii Xasan Sheekh, oo arrintan oo iyadana shaki badan ku jiro.

Waxaa Djibouti tagay ka socotay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ka koobnayd illaa iyo afar qof oo uu hogaaminayay wasiirkooda iyo Guddiga Khayraadka Baarlaamanka ee aqalka hoose oo ayana ka koobnaa 12 qof , la-taliyeyaal dhanka sharciga ah iyo saddex qof oo kalkaaliyayaashooda ah.

Haddaba kulankaas intaynaan u gelin waxaa muhiim ah inaan isweydiino su’aalahan:

  1. Maxaa keenay in guddiga iyo Wasaaradda qayb ka mid ah isula soo safraan Djbouti ayaga oo ku kulmi karay waddanka gudihiisa, goobahooda shaqada iyo meelo kale oo magaalada Muqdishu ama maamulada kale ka tirsan?
  2. Maxaa keenay in hadda la yiraahdo sharciga Batroolka 2008 ayaa la bedelayaa, ayadoo la ogyahay in uu horey u yaallay sharci wax looga bedelay Golaha wasiiradana u ansixiyeen baarlamaankana akhrintii koowaad maray oo la yiraahdo sharciga shidaalka 2017?
  3. Yaa bixiyay qarashka ku baxayay safarka Djbouti ?
  4. Maxaa loogala tashan waayay maamulada waddanka ka jira maadaama Soomaaliya ay qaadatay federal meelaha shidaalka ku jiraana ay wada hoostagaan maamuladaas kala duwan?

Su’aalahaas jawaabahooda intaynaan u gelin, bal aan marka hore isweydiino waxa dhacay safarkii Djbouti lagu tegay:

Ka dib 7dii febraayo 2019 – xaraashkii ka dhacay London, wasaaradda ayaa qashay jaha-wareer, waxaana la badalay agaasimeyaal badan, waxaa hadda la isku hayaa  wax ka bedelka heshiiska qaybsiga wax soosaarka ee shirkadaha iyo Soomaaliya (PSA) ayadoo kii hore u diyaarsanaa layska tuurey, waxaa la gudbiyay sharcigii 2008 kaasoo bedelkiisana horey ay u ansixiyeen golihii Wasiirada iyo ayadoo loo gudbiyay Golaha Baarlammaanka iyo midda ugu xasaasiyadda badan oo ahayd xulashada xirmooyinka shidaalka (block delineation) oo laga dhigay 15 blocks (xirmo) kuwaasoo ilaa iyo 7 ka mid ah ay ahaayeen kuwii Soma Oil and Gas oo hadda la baxday (coastline) lagu soo daray.

Sharciga uu wasiirka Batroolka garab marayo, waxaa horay u ansixiyey golaha wasiirrada, waxaana loo gudbiyey baarlamaanka, iyada oo ay ku baxdey lacag aad u fara badan, loona soo kireeyay lawyaro iyo khibradlayaal ajaaniib ah. Sharcigaas waxaa sidoo kale lala wadaagay Financial Governance Committee (FGC) oo ayagana kusoo daray commentgooda asagoo dhamaystiranna lagu wareejiyay Wasiirka haddda jooga (Cabdirashid).

Ugu dambeyntii, haddii sharcigii 2017-ka la ansxiyey lagu dhaqmayo ama haddii ay tahay midkan cusub ee uu wato wasiirka Batroolka, waxaa haboon in lala socod siiyo hey’adaha ay khuseyso sida dowlad goboleedyada iyo baarlamaanka federaalka ah, waxaa kale oo baarlamaanka looga fadhiyaa inuu wasiirka Batroolka weydiiyo sababta uu uga tagay sharcigii Batroolka ee golaha wasiirrada ansixiyeen, lana hor keenay baarlamaanka?

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW