Wasaaradda Betroolka DF oo Isku Koobtay Wax Ka Bedelka Sharciga Shidaalka & Khubaro La Ceyriyey!

Wasaaradda Betroolka iyo macdanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney isku koobtey wax ka bedelka sharciga shidaalka, iyada oo shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Djibouti 17-kii bishan aaney ka qeyb gelin dowlad goboleedyada. Waxaa goobta tagay wasaaradda Betroolka iyo Macdanta iyo guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada ee golaha shacabka.

Sida ka duwan Cahdi qarameedkii Embakasi 2004-tii, waxaa ku cad heshiiskii Baydhabo ee June 5, 2018 iyo xataa sharcigii 2008 ee dib u eegista lagu sameeyey in shidaalka ku jira dal bad iyo bariba ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ayna wakiil uga yihiin dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qodobbadaas dastuurig a ah oo qasab uga dhigaya dowladda federaalka ah iney tallaabo walbo kala tashtaan dowlad goboleedyada.

Haddaba xubno ka tirsan wasaaradda Betroolka oo la soo xiriiray Goobjoog News, isla markaana codsadey in magacooda la qariyo ayaa  xaqiijiyey in wasaaradda Betroolka aaney casuumin dowlad goboleedyada, kooxdan oo su’aalo ka keenay sababta dowladda federaalka ah ay diyaarinta sharciga uga fogeyneyso dowlad goboleedyada iyada oo wasiirka wasaaradda Betroolka ku eedeeyey inuu iska indho-tirayo talooyin ay u soo-jeediyeen, waxaa ayna cabsi ka qabaan in ay dowladda federaalka ah isku koobto qandaraasyada xaraashka iyo guud ahaan arrimaha shidaalka.

Dowladda federaalka ah ayaa la filayaa iney baarlamaanka federaalka ah hor geyso sharciga shidaalka ka hor bisha Ramadaan, si ay uga hor marto xilliga la shaacinayo shirkadaha ku guuleystay xaraashka oo ah November 7, 2019 iyo December 9, 2019 uu wasiirka saxiix doono heshiiska shirkadaha ku guuleystay iyada oo isla bishaas la hor-geyn doono golaha wasiirrada si uu u dhaqan galo January 2020-ka.

Dhinaca kale, marka laga reebo sharciga shidaalka, jahawareer ayaa ka jira gudaha wasaaradda Betroolka ee dowladda federaalka ah, howlihii kale ee la xiriiray fududeynta ee hannaanka shidaalka waxaa galay gaabis kadib markii hal mar la ceyriyey 3 khabiir oo agaasimeyaal ka ahaa wasaaradda Betroolka.

Khubaradan ayaa kala ah:

  1. Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo ahaa agaasimaha Arrimaha Tiknikada ama technical director 
  2. Cabdulahi Xeydar oo isna ahaa Regulatory Director
  3. Cabduqadir Tahiil. Legal Director

Si uu eedeymahan uu uga jawaabo, Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay wasiirka Betroolka iyo Macdanta  ee dowladda federaalka ah ee Cabdirashiid Maxamed Axmed isaga oo ku jawaabay “ Ciddii sheegtay Information kaas haloo raadsado”!

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW