U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Soo Saartay Digniino Ku Aadan Xanuunka EBOLA

Sheeko:Dalka
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa war saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Cafimaadka ee Jamhuuriyadda Uganda markii ay taariikhdu ahayd 20-ka Bishan September 2022, kaas oo ku saabsanaa in dalkaas laga helay kiisas la xiriira Cudurka EBOLA Virus Disease (EVD), waxa ay shaacinaysaa qodobada soo socda si looga taxadaro loona ilaaliyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka, maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala Magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.
Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday, kaas oo kamid wadamada ay ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo taageero siinaya ciidanka dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Digniinaha kasoo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa, xilli caabuqa xanuun EBOLA kiisas kamid ah lagu arkay dalka Uganda, sida ay baahisay wasaaradda caafimaadka dalkaasi, Soomaali badan ayaa ku sugan Uganda, kuwaas oo si maalinle ah u yimaada gudaha dalka, waxaana la muujinayaa cabsi ah in ay soo gudbiyaan caabuqa, waxaana isisoo taraya digniinaha.
Goobjoog News