U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland Oo Xaqiijisay Kiis Coronavirus Ah

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Muuse Biixi ee Soomaaliland ayaa maanta waxa ay oo saartay war ku aaddan kiis cusub oo Coronavirus ah kaas oo laga helay deegaanada maamulkaasi, iyadoo horay Soomaaliland looga xaqiijiyay kiisas COVID-19 ah.

Wasaarada caafimaadka ee somaliland ayaa sheegtey 1 qof oo kale oo cusub  in laga helay  xanuunka  COVID-19, waxaana kiiskaan cusub uu sare u qaadayaa tirade guud ee kiisaska laga xaqiijiyay deegaanada maamulka Soomaaliland.

Qoraal ka soo baxay wasaarada caafimaadka waxey ku sheegtey in hal qof oo hore uu u haleelay coronavuris uu  haatan  ka bogsadey  xanuunkaasi.

Si kastaba, tirada guud ee dadka hada  qaba  COVID-19 ee somaliland ayaa ah 5 qof.

Halkaan ka akhriso warqadda ay soo saareen.

Goobjoog News