U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka XFS Oo Sheegtay in Soomaaliya Aysan ka jirin Xilligan Walaac Laga Qabo Ebola

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya oo ka Jawaab celineysay dareenka Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xannuunka Ebola.

Xanuunkan Eboola ayaa dhawaan lagu arkay kiis ka  mid ah in laga helay wadanka Yugaandha, kaas ciidamo aad u fara badan ay ka joogaan wadanka oo qeybka ka ah ururka nabad ilaalinta midowga  Afrika ee Amisom.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin xilligaan walaac ku aaddan inuu ka dilaaco Cudurka Ebola oo kiis ka mid ah laga helay Dalka Yugaandha.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka ayaa lagu sheegay in xilligaan ayna jirin qatar ku aadan xanuunka Ebola.

Wasiir Fowsiya ayaana ugu baaqday in shacabku ay daganan muujiyaan dowladduna ay diyaar u tahay in ay samayso ka hor tag.

halkaan ka aqriso

 

 

Goobjoog News