U bood dhigaalka

Wasaaradda Deegaanka oo Shir Caalami ah Uga Qeybgaleysa Switzerland

Sheeko:Dalka
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wefti khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaarey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas uu kaga  qeybgalayo shir ku saabsan arrimaha deegaanka iyo isbedelka Cimilada, maadaama Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka u nugul saameynta isbedelka Cimilada.
Wasiirka iyo weftigiisa ayaa ka qayb-geli doona Shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka. Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya Shirweynaha Sixiixayaasha 11aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11.) oo berri magaalada Geneva ka furmi doona.
Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo iyo shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada.
Axdigan Qarameedkaan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin, Soomaaliya ayaa marar badan waxaa ka dhacay abaaro soo laablaabto iyo Fatahaado, kuwaas oo saameyn ku yeesha bulshada Soomaaliyeed ee reer guuraaga ah iyo magaalooyinka degan.
Goobjoog News