U bood dhigaalka

Wasaaradda Dekadaha oo Digniin U Dirtay Kalluumaysatada Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Agaasimaha guud wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda  Xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur), oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa  uu digniin ugu diray Kalluumaysatada Soomaaliyeed ee ka Jilaabta xeebaha dalka, waxaana uu sheegay in la gudo galay xilliga Badxiranka.

Agaasimaha ayaa Kalluumaystada ugu baaqay in ay ku fogaanin badda gudaheeda maadaama aysan wadan Doomo xoogan “Waxaa maanta bilaawday xillaga bad-xeranka, waxaana uga digeynaa doomaha iyo maraakiibta yaryarka ah inaysan tagin meelaha fog fog ee gudaha badda ” ayuu yiri.

Marka la gaaro xiliyadaan Badxiranka ayaa waxaa badanaa dhaca in ay saameyn ku yeelato Kalluumaysatada isticmaala Doomaaha yar yar, waxaana dhacda in lagu waayo Kalluumaystada qaarkood, kuwaas oo Doomahooda aysan xejin karin dabeylaha xoogan ee xiliyadaan ka dhaca xeevaha dalka.

Goobjoog News