U bood dhigaalka

“Wasiir Beyle” Waxaan Soo Gebagebeynay Tirakoobka Hantida Qaranka”

Sheeko:Dalka

Shirkaan Jaraa’id uu Muqdisho ugu qabtay warbaahinta Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay geedi socodka wadahadalka deyn cafinta oo maraya wajigiisa afaraad waxaana uu ka muujiyay raja wanaagsan.

“July Aakhirkeedii imtixaan baa nalaga qaaday, bisha soo socota September mid kalaa nagala qaadaya, December midkale ilaa Bisha May, laakiin waxaa ugu muhiimsan laba imtixaan ee september iyo December oo hadii aan labadaa ka gudubno deyn cafiskii waa naga dhamaaday”.

Wasiir Beyle shirkiisa jaraad kaga dhawaaqay in wasaaradu soo gabagabeeysay tirakoob ay ku sameysay hantida ma guurtada ah iyo guurtada ee qaranku leeyahay.

Wasiirka ayaa ku daray in dhawaan Wasaaradda Maaliyada ay tira koobka ay sameysay ay ku wareejin doonto Guddigga qaran ee soo celinta Hantida qaranka uu dhawaan sameeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo inta ka maqan gacanta dowladda.

“Wax alle wixii dalku lahaa waan soo tirakoobnay (Hanti Guurto iyo Maguurto) waxaan dhawaan u gudbin doonaa guddiga Qaran ee ra’isuwasaaruhu sameeyay ee soo celinta Hantida Qaranka”.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday qorshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga cusub waxaana uu sheegay in dowladu ku howlan tahay dardar galinta soo daabicideeda dhaqaalaha ku baxay oo ay dowladu bixinaysa ay hayaan kala barkood.

Tirakoobka ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku sameysay hantida Qaranka ayaa ah talaabo loo qaaday ilaalinta hantida qaranka inta gacanta ay ku hayso dowladda iyo soo celinta hantida ka maqan waxaana dhawaan lagu wada in tirakoobkani ay wasaaradda ku soo bandhigto Muqdisho.

Goobjoog News