U bood dhigaalka

Wasiir Dhabancad: Puntland Wadahadal Xamar Kulama Galeyso Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland aysan magaalada Muqdisho u tagi doonin sidii ay wadahadal ula gali lahaayeen dowladda dhexe oo ay xubinta ka yihiin.

“Ujeedka madaxweynuhu waxa uu yahay in uu u gogol xaaro gogosha fidsan ee ummadda reer Puntland ay fidiyeen ee dowladdu ay fulinteeda leedahay oo ay ka balanqaaday ee halkan la dhigi doono in uu gogol xaaro oo uu ku soo dhoweeyo madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah in ay yimaadaan gogoshaas oo ay ajiibaan, laakiin ma ahan in Puntland ay wadahadal kula soo galeyso Xamar dowladda federaalka” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii wadatashiga Puntland, waxa uuna sheegay in haddii ay yihiin golaha wasiirada ay balanqaadi doonaan in ay hirgaliyaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi iyaga oo aan waxba ka badalin.

Wasiir Dhabancad oo arrinkaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan balanqaadeynaa in go’aamadii ka soo baxaya shirkaasi oo aan wax laga badalin in aynu sida ay tahay u hirgalino haddii ay ahaan lahayd waixii tabarteen ah, haddii ay ahaan lahayd kuwa quseeya gudaha Puntland iyo haddii ay ahaan lahayd kuwa Soomaaliya nagala dhaxeeya”

Maalmahaan ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayay war ku addanaa in madaxweynaha Puntland uu tagi doono magaalaada Muqdisho islamarkaana u shir u qaban doono madaxda sare ee dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News