U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi “Yaa Noo Fasiri Kara Sababta Dib Loogu Dhigay Ciyaarta Fiinaalka”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Amniga Galmudug Ahna Xildhihaan Ka Tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliiya Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay barahiisa bulshada kaga hadlay sababta ay u baaqatay ciyaarta Fiinaalka ee u dhaxaysa kooxaha kubbadda cagta Gobolka Banaadir Iyo Galmudug ee markii ugu horeesay soo gaaray heerka ugu danbeeya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Wasiir Fiqi Ayaa qoraalka uu soo dhigay u qornaa sidan “Maantay cayaartii kama danbaysta aheyd ee xulalka Galmudug iyo Banaadir dhexmari laheyd yaa noo fasiri kara sababta dib loogu dhigey? Yaase lahaa awoodda dib u dhigista? Xiriirka kubadda cagtu waa in uu jawaab u helaa arrinkaan!.!

Koobka aaway waxaa laga sugayey caasimadda Galmudug, dib u dhac intaa ka badan lama aqbali karo iyo wararka kale ee la sheegayo! ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Aminga Galmudug mudane Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale Wasiir Fiqi ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda kooxda kubbadda cagta Galmudug doorka ay soo gaarsiiyeen Maamulka Galmudug,isagoo sheegay in ay yihiin geesiyaal kor u qaaday sharafta iyo magaca Bulshaweynta Galmudug.

Waan u Mahadcelinayaa Wasaaradda Ciyaaraha,Xiriirka Kubbadda Cagta iyo dhamaanka kooxda Galmudug heerka maanta ka joogaan tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,wuxuuna intaa ku daray in uu gul un rajayneeyo ciyaartooyda iyo macallimiinta ee saacadaha soo aadan ciyaarta kama dambeysta la dheeli doono dhigooda Galmudug” ayuu hadalkiis sii raaciyay Wasiirka Amniga Galmudug Mudane Axmed Macallin Fiqi

Sidoo Kale Aqriso Warbixino Kale Oo Ku Saabsan Galmudug

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-faadum-cali-dhammaan-ciyaartoyda-galmudug-turkiga-ayaan-geyn-doonaa/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle