U bood dhigaalka

Wasiir Najax “Hadii Aan Jawaab Laga Bixin Wixii Ku Dhacay Kooxda Koonfurgalbeed, Kama Qeybgali Doonno Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir”

Sheeko:Cayaaraha

Wasaarada Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed ayaa si kulul ugu hadashay dhacdii shalay ka dhacday banaanka garoonka kubbadda cagta Eng.Yariisow,ka dib markii dhaawacyo kala duman loo geystay qaar ka mid ah ciyaartooyda iyo weriyaashii la socday kooxda Koonfur Galbeed.

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed mduane Ibraahim Aadan Najax iyo maamulaha kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed Nuur Xaaji Haafow ay wax laga xumaado ku tilmaamay wixii ku dhacay kooxda Koonfur Galbeed,waxayna warbaahinta u sheegeyn in aysan ka qeyb galidoonin ilaa laga saxo falkii fuusha xumaa ee lagula kacay ciyaartooyda iyo shaqaalaha kooxda Koonfur Galbeed.

 “Hadii aan jawaab laga bixin wixii ku dhacay kooxda Koonfurgalbeed, Kama Qeybgali Doonno Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir” ayuu saxaafadda u sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim Aadan Najax.

“Cabasho Weyn ayaan ka qabnaa Maamulka Gobolka Banaadir,waana wax lagu xumaado wixii ku dhacay kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed” ayuu warbaahinta u sheegay Deeq Ibraahim Aadan oo ah Agaasimaha Waxaada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Konfur Galbeed.

 “Wiixii ku dhacay Kooxda Koonfur Galbeed ,waa mas’uuliyada Daro dhanka Amniga,waxaana Xiriirka Kubbadda Cagta Somaaliya ugu baaqaynaa in martigelinta tartankan loo wareejiyay caasimadaha kale ee dalka” ayuu isna warbaahinta u sheegay mmaamulaha kooxda kubbadda cagta Koonfur Galbeed Nuur Xaaji Haafow.

Si kastaba kooxda Koonfur Galbeed ayaa iskaga hartay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaaan 3-1 wareega Afar dhamaadka kaga badiyay xidigaha Gobolka Banaadir oo tartanka martigelinaya sanadkii sadexaad.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle