Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Hawlgallada Socda

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo wareysi uu siiyay Goobjoog News ayaa wuxuu kaga hadlay ujeedka safarro uu maalmihii dambe ku bixinayay degmooyin ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay u diyaariyeen sidii ay howlgallo uga sameyn lahaayeen degaannada ka maqan gacantooda ee gobolladaasi.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay heleen mushaaraadkooda ay xaqa u lahaayeen. “Muhiimadda ugu horreysa ee safarkeenna waxaa uu ahaa sidii loogu kuur-geli lahaa xaaladda deegaannada guud ahaan gaar ahaan ciidamada deegaannada ay joogaan, waxaan tagay degmooyin badan oo ay ka mid yihiin Xudur Buur-hakabo iyo Waajid ciidamada horay waxay ugu jireen dagaallo “.

Wasiirka ayaa ciidamada waxaa uu ugu baaqay inay sii laba laabaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga isaga oo tilmaamay in ciidamada ay diyaar u yihiin inay qaadaan howlgalkii ay dowladda dhexe ku dhawaaqday kaasi oo ahaa in deegaannada al-shabaab ay ka taliyaan ay soo galaan gacanta dowladda.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW