Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kullan La Qaatay Danjire James Swan

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxa uu kullan kula qaatay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee danjire James Swan.

War ka soo baxay xafiiska wasiir Cawad ayaa waxaa lagu sheegay in kullanka looga hadalay sidii wada shaqeyn wanaagsan ay u dhexmari lahayd dowladda federaalka Soomaaliya iyo hey’adda qaramada midoobay islamarkaana loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.

“wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, mudane danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda ee caasimadda muqdisho, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha soomaaliya (srsg) ahna madaxa howlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee soomaaliya (unsom), mudane james swan” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Dhinaca kale kullanka labada dhinac ayaa lagu soo hadal qaaday sidii looga shaqeyn lahaa howlaha dib u heshiisiinta qaran iyo wada hadalka siyaasadeed ee dhinacyada Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta.

Qaramada midoobay ayaa waxa ay ka mid tahay hey’adaha sida dhow ula socda guud ahaan siyaasadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kalane taagerro kala duwan u muujisa.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW