U bood dhigaalka

Wasiirka Ganacsiga iyo Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga oo Muqdisho Ku Kulmay

Sheeko:Ganacsiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Hon. Jibril Abdirashid Haji oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane. Abdisalam Sharif Hussein, Wasiir ku-xigeenka Hon Osman Mohamed Abdi iyo Agaasimaha guud Mudane. Abdiaziz Ibrahim Adan, ayaa kulan la qaateen Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Mudane. Maxamed Cabdi Cali “Gabayre”, waxay iska xog-waraysteen xaaladda ganacsi ee dalka, dedaalada socda, caqabadaha ira iyo weli ba xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wax-soo-saarka dalka si Soomaaliya ay dheeli-tir ganacsi u la yeelato dalalka ay wax ka soo dhoofsato, mudnaanta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, fududeynta ganacsiga iyo weli ba siddoo kale xalinta caqabadaha jira ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji oo la hadlayey Madaxda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada kale ba, ayaa ugu horreyn Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku lee yihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadinta qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirku, wuxu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah siin doonaan dhinacyada shuruucda iyo siyaasadaha bud-dhiga u ah horumarka dhaqaale iyo midka ganacsi ee dalka. Sidoo kale, wuxu xusay inay ganacsatada Soomaaliyeed kala shaqeyn doonaan siddii wax loogga qaban lahaa caqabadaha jira iyo weli ba siddii looggu fududeyn lahaa suuqyada ganacsi ee caalamka.

Ugu dambayn, Wasiir Jibriil, wuxu xusay inay si gaar ah u dhiiri-gelinayaan maal-gashiga ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka isla-mar-ahaantaana ay ka Wasaarad ahaan ka shaqeyn doonaan shuruucdii iyo siyaasadihii fududeyn lahaa wax-wada lahaanshiyaha dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah si horumar loogga gaadho maal-gashiga qeybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha gaar ahaan Warshadaha dalka taas oo abuurti doonta shaqo abuur aad u badan.