U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Iyo Wafdi Ka Socda Bangiga adduunka oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo xubno kale oo la socday,

Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Bangiga Aduunka, ayaa ka wada hadlay hannaanka dib u habeynta maamulka Maaliyadda iyo horumarka Soomaaliya ka sameynayso.

“Waxa aan Maanta shir muhiim ah oo miro-dhal ah la qaadanay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo wafdigii ay hogaaminaysay oo nagu soo booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

“Waxa aan ka wadahadalnay qorshaha socda ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo mashaariicda taageerada ah ee Bangiga uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya” Ayaa yiri Wasiirka Cilmi oo sidoo kale ku yiri qoraalkiisa wasiirka.

Kulanka u dhaxeeya wasiirka iyo wakiilka Bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo barnaamijka Deyn-Cafinta Soomaaliya uu marayo heer gabagabo ah.

Goobjoog News