U bood dhigaalka

Wasiirrada Kenya Ku Galay Baasaboorrada Kale, Waxay Magac Dileen Baasaboorka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Kadib markii dowladda Kenya ay dal ku gal u diidey siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo sitay Baasaboorro diblomaasi ah ayaa waxaa dhacday in 3 ka mid ah sheegteen dalal kale, lana soo baxeen Baasaboorro kale!

Jamaal Xasan wasiirka qorsheynta federaalka ah waxaa uu Kenya galay isaga oo kanadiyaan ah, Fowsiyo Abiikar wasiirka caafimaadka iyada oo muwaadin Talyaani ah halka la-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid uu ku galay Baasaboor Holland ah. Arrinta magac dilka ayaa ah iney halkaasi u tageen shir ay ku matalataan dalka Soomaaliya.

Waaxda socdaalka dalka Kenya waxaa ay aqoonsantahay iney dalkeeda galeen muwaadiniin Canada iyo Yurub u dhashay, laakin kooxdaas sida dhabta waxaa ay Nairobi u tageen iney matalaan dalka Soomaaliya, shirna ka qeyb galayaan, taasi oo daciif ka dhigeysa mowqifka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, haddii ay ku doodi laheyn in la soo celiyey siyaasiyiin shir halkaasi uga qeyb gali lahaa.

Arrintan waxaa ay soo dedejisay sida qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ay u sumcad dilaan Baasaboorka Soomaalida, iyaga magacii iyo sharaftii uu lahaa ka doortay iney mid kale adeegsadaan.

“Iyaga oo shir ku matalaya Soomaaliya iney Baasaboor kale ku galaan may aheyn, arrintaas waxaa ay ku tusineysaa aaminaad iyo kalsooni la’aan ay u qabaan Baasaboorka Soomaaliyeed, iney soo laabtaan ayey aheyd, oo Kenya lala xisaabtamo, waayo masiirka umadda ayaa ka weyn” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Sanadkii hore, agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi  oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wax xun tahay in siyaasiyiin ay ku jiraan wasiiro ku safraan Baasabooro dalal kale, taasina ay adkeyneyso in dunida lagu qanciyo soo celinta qiimaha iyo aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliyeed.

 “Mas’uuliyiin dowladeed iney ku safraan Baasaboor kale, ma dhiirigelineyso dadaallada lagu soo celiyo sharafta Baasaboorka Soomaaliyeed”, sidaasi waxaa yiri Maxamed Aadam Koofi

Qofka waddaniga ah waa inuu dhowraa sharafta calanka iyo Baasaboorka, si Baasaboorkeenna uu qiimo u yeesho waa in mar hore ay aaminaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Warar la xiriira:

Ma Ogin Isbadal Ku Yimid Siyaasadda Socdaalka Kenya, Agaasime Koofi Oo Goobjoog u warammay

Nairobi Oo Cadaadinta Muqdisho Gaarsiisey Meel Sare Iyo Villa Somalia Oo Aamusan

Goobjoog News