U bood dhigaalka

Weerar Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Magaalada Baardheere

Sheeko:Dalka

Warar kale duwan ayaa waxaa laga helayaa weerar dagaalmayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo lasoo warinayo inuu ka dhashay khasaare soo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka sida ay  sheegayaan wararku la helayo.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Ismiidaamin ayaa waxaa la sheeyaa inuu dhaawac kasoo gaaray saraakiil ciidan iyo guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Garaad oo la sheegayo inuu dhaawac soo gaaray iyo Abaandulaha qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Axmed Cabdullaahi Xirsi Labaale.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa sidoo kale ay sheegayaan in ay jiraan khasaare dhimasho ah oo soo gaartay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ilaalo ka ahaa guriga la weeraray iyo dad shacab ah, wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka lagu qaaday degmada.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan taliska 43-aad ee xoogga dalka ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, iyagoo durba xiray wadooyinka gala magaalada iyo kuwa ka baxa intaba, waxaana xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baardheere, taas oo ka dhalatay weerarka lagu qaaday guriga Martida.

Goobjoog News