U bood dhigaalka

Weriyaha Dowladda u Xiran ee  Cabdicasiis Gurbiye oo Ay Khatar Ku Jirto Xaaladdiisa Caafimaad

Sheeko:Dalka

Tifaftiraha Goobjoog News oo ku xiran amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ee Farmaajo, kuna xiran xabsiga dhexe ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku wajahayo xaalad khatar caafimaad ah maadaama wariyaha uu xanuunsanayo.

Badqabka maxabiista ee Coronvirurs , iyada oo laga fakarayo ayaa kol  hore madaxwaynaha dowladda  federaalka uu sheegay  in uu cafis u fidiyay Maxabiista ku xiran xabsiga dhexe.

Weriye Cabdicasiis  Gurbiye oo xanuusan ayaa isaga oo garmaqalkiisa dacwaddiisa aan  la dhagaysan waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga Dhexe , taas  oo  culeys ku sii keeni karta caafimaadka Weriyaha.

Qolalka xabsiga dhexe oo  Maxabiista ay aad isugu dhow yihiin ayaa dhaqaatiirta waxa ay sheegayaan  in taas ay keeni karto faafida Covid 19 oo kiisas hore leh laga helay dalka sida Wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay.

Ururada u dooda xoriyada hadalka iyo kuwo aadanaha ayaa si wadajir ah  ugu baaqaya in xoriyaddiisa la siiyo Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo si sharciga baalmaran ugu xiran dowladda Soomaaliya.

Tifaftiraha Goobjoog ayaa maalinkii saddexaad u xiran amar ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana siyaasiyiin, xildhibaano, ururada u dooda saxaafadda xorta ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay xarigga wariye Gurbiye ku tilmaameen mid lagu caburinayo xoriyatul qowlka iyo saxaafadda xorta ah.

Goobjoog News