U bood dhigaalka

Xaafadaha Degmada Baardheere Oo Weli Haawanaya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Degmada Bardheere ee gobalka Gedo waxaa 22-kii bishaan la wareegay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa AMISOM.

In ka badan 5 sano waxaa degmadaasi maamulkeeda gacanta ku hayay Xarakada Al-shabaab, hase ahaatee howlgal saf ballaaran ah oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ugu suurta gashay in degmadaasi ay ku qabsadaan.

Degmada xaalad ahaan  hadda waa mid degan, laakiinse waa mid aad u haawaneysa, marka loo eego xilligi hore.

Dadkii ka barakacay degmada Baardheere weli dib uguma aysan soo laaban degmadaasi, waxaana lagu dhex arkayaa magaalada ciidamada dowladda oo ku dhex lugeynaya.

Goobaha ganacsiga ayaa ah kuwo weli aan badi furmin, waxaana suuqii camirnaa ee degmadaasi yahay mid shacab badan aysan kaaga muuqaneyn.

Sawiro aynu kasoo qaadnay degmada Baardheere waxa ay muujineysaa in weli degmada aysan si rasmi ah uga bilaaban adeegyadii bulshada, dadkana soo laabasho la’aantooda loo maleyn karo cabsi ay ka qabaan dagaallo dhaca.

Hoos ka arag Sawirada

DSC08086 Sawir Buundada Baardheere (2) Sawir Suuqa Qudaarta Baardheere Sawir Webiga  Jubba Baardheere

Goobjoog News